Calanka madow

Calanka Madow
Sheekh DR Cismaan Macalim Maxamud
ﻥﺃ ﺪﻬﺷﺃﻭ ,ﻪﻟ ﻚﻳﺮﺷ ﻻ ﻩﺪﺣﻭ ﷲﺍ ﻻﺇ ﻪﻟﺇ ﻻﺃ ﺪﻬﺷﺃﻭ ﹰﺎ
, ﻛﺭﺎﺒﻣ ﹰﺎﺒﻴﻃ ﹰﺍﲑﺜﻛ ﹰﺍﺪﲪ ﷲ ﺪﻤﳊﺍ
ﺪﻌﺑ ﺎﻣﺃ ,ﻢﻠﺳﻭ ﻪﻴﻠﻋ ﷲﺍ ﻰﻠﺻ ﻪﻟﻮﺳﺭﻭ
ﻩﺪﺒﻋ ﹰﺍﺪﻤﳏ
Horu Dhac Diyaariyaha :
Intaas Ka Dib Waxay Ahaayeen Suaalo La Weydiiyay Sheekh DR cismaan
Macalim Maxamud Sheekh Cali Xafidahullaah Suaalahana Sidatan Ayay

Ahaayeen. Calanka Ay Sitaan Alshabaab Ma Sunnaa? Midabka Madow
In La Qaataa Ma Sunaa? In Magaaladii La Qabsadaa Calanka Laga
Suraa Ma Sunnaa? In Calanka Lagu Qoraa Kalimada Towxiidka Ma
Sunnaa? Ma Banaan Tahay In Qofkii Calanka Ka Soo Horjeesto Lala
Dagaalamo? Halkaan Hoose Ka Akhriso Jawaabta Uu Bixiyay Sheekh

Cismaan Macalim Xafidahullaah
culimadu waa ay sheegeen in ay sunno tahay calanka loo qaato jihaadka gaalada lugula jiro, laakiin inti aan baarbaaray weli iima soo bixin iyagoo leh: midab hebel ayaa sunno ah, xukun aan lagaaga horreynna waa khatar, in magaalooyinka muslinku deggan yahay calan la suro, midabka uu doono ha yeeshee iyadana ma arag culimadi axaadiithta sharaxday mid ka mid ah oo waa sunno yiri, haddaba kuwa yiri calankeenna qofki diida sunnadi ayuu ka hor yimid, dagaal ayaana noo dhexeeya, waxaa iiga muuqata arrin aan fiicnayn oo khawaarijta laga sheegi jiray, ahna wax bannaan in ay xaaraan ka dhigaan, wax aan sunna ahaynna sunna ka dhigaan, wax wanaag ah xumaan laga dhigo, wax xunna wanaag laga dhigo, intabana xiriirin iyo goyn laga dhaliyo, gaaleysiin iyo qoor goynna lugu bannaysto. Kii khawaarij u horreeyay wuxuu eex ku sheegay qaybinti Rasuulka (ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ahaataye), kuwii Cali uu la dagaallamayna waxay gaalnimo ka dhigeen wax bannaan oo ah in muslinki dirirsanaa la kala dhexgalo oo rag loo bixiyo kala xukuma. Ragga waqtigan jooga Soomaaliya haddii ay calan dad kula diriraan waxay noqonaysaa laba middood: 1- Calanka buluugga ah ee astaanta u ah dowladda soomaaliya tan iyo
intii ay gumeysigi Talyaaniga iyo Ingiriiska ka xorowday, xukunkiisuna yahay in uu bannaan yahay haddii aan xumaan loola jeedin, ama aan wax lugu dulmineyn, caqiidda xunna laga aamminsanayn. Qofki yiraahda calankaa haddaadan dhigina dhiiggiinnu waa ii xalaal, ha la
ogaado wax bannaan ayuu dhiig muslim ku bannaystay.
2- Calanka ay shabaabku wataan ee towxiidku ku qoran yahay, ama ha
madoobaado ama ha caddaadee, in la yiraahdo qofki aan aqbalin
dhiiggiisu waa uu noo bannaan yahay. Arrintaasina arrin sharciga waafaqsan ma ahan, sababaha soo socda awgood:
A- Calan waxaa la qaataa marka jihaad gaalo loo baxaayo, soomaalidu

B- Calanka waxaa dhiiba Madaxweynaha, isagaana qaabilsan
agaasimidda dagaalka iyo nabadda. Rasuulku (ammaan iyo
nabadgelyo korkiisa ahaataye) isagaa calammada dhiibi jiray, qofkii rabaa iskama qaadan jirin. Dagaalki Kheybar waa ki yiri: berri calanka waxaan u dhiibayaa nin Alla iyo Rasuul jecel yihiin ama wuxuu yiri: Alla iyo Rasuul jecel, markaas ayaa nin waliba u hanqal taagay, Cumar waa ki yiri maalinkaas kaliya ayaan madaxtinnimo jeclaystay, sababtana waa la fahmi karaa oo waa fadliga loo sheegay ninka calanka loo dhiibayo, ee si ahaanteeda uma jeclaan madaxtinnimada, sharcigana kuma fiicna in la jeclaado madaxtinnimada. Ka dib Rasuulku (ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ahaataye) wuxuu u dhiibay Calankii Cali ibn abii daalib. Culimaduna way sheegeen in calanka arrintiisu tahay arrin hoggaamin iyo madaxtooyo xiriir la leh, oo madaxda looga danbeynayo. Xadiithki Bukhaari weriyay (tirsigiisuna ahaa:2976) waxaa ku jiray in Cabbaas ibni cabdilmuddalib uu ku yiri Zubeyr ibnil cawaam: ma halkan buu ku amray Rasuulku in aad ka taagto calanka. Waxayna ahayd maalintii la furanaayay Makka.
C- Rasuulku (ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ahaataye) wuxuu yiri:
waxaa la I faray in aan dadki la dagaallamo inta ay laa'ilaaha illallaahu ka dhahayaan, salaaddana ka tukanayaan, zakadana ka bixinayaan. Ma dhihin inta ay calan hebel ka oggolaanayaan. Haddi aad tiraahdo towxiidka ku qoran ayaan kala jeednaa. Jawaabtu waxay tahay, towxiidka in lugu hadlo ayuu qofku ku islaamaa, ee kuma islaamo in uu calan ku qorto. Iyadoo asal ahaanba xaafid ibnixajar alcasqalaani ka yiri xadiithka sheegay inuu ku qornaa calanki Rasuulka (ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ahaataye) towxi dku: waxaa lugu weriyay sanad aad u taag daran. Ka fiiri fatxul baariga 6/127.
D- Horana waxaan u soo sheegay in marka magaala muslin la deggan
yahay qofki yiraahda calan taagiddu waa sunno looga baahan yahay daliil cad oo sheegaya arrintaa iyo fasiraaddi culimada. Haddii aan daliil la keeninna qofki waa sunno yiraahda bidco ayuu ku dhacay.

Source: http://www.manhaj.info/books/Calanka-wax-lagu-qoro.pdf

11461210.fm

• Battery-operated smoke detector with photoelectric scattered-light In order to avoid false alarms, do not mount the smoke detector: • In rooms in which strong water vapour, dust or smoke arise under nor-• Automatic self-test of the smoke development• Loud pulsing alarm sound approx. 85 dB(A) The smoke detector generates a very loud and shrill sound which can • Near ventilation sh

Opp-2002-0202-0003

UNITED STATES ENVIRONMENTAL PROTECTION AGENCY WASHINGTON, D.C. 20460 Office of Prevention, Pesticides and Toxic Substances MEMORANDUM SUBJECT : Lindane ; Chemical No. 009001. Revised Assessment of Risk from Use of Lindane for Treatment of Lice and Scabies DP Barcode: D284188; Submission No. S605841Reregistration Case #: 0315Becky DaissEnvironmental Health ScientistReregist

© 2008-2018 Medical News